Nepal oo shacabkeeda ka soo daadgureysay Shiinaha

Dowladda Nepal ayaa 175 qof oo shacabkeeda ah ka soo daadgureysay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo uu saameyn ku yeeshay caabuqa Coronavirus.
Dadka la soo qaaday oo u badan arday ayaa isugu jiro 134 rag iyo 41 haween ah.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Nepal , Mahendra Shrestha ayaa sheegay in diyaaradda rakaabkan sidday ay ka soo caga dhigatay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Kathmandu ee Tribhuvan wax yar ka hor inta uunan saaka waaga baryin.
Dadkan ayaa muddo laba toddobaad ah lagu hayn doonaa magaalada Bhaktapur si xaaladooda caafimaad si dhow loola socdo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii shacabka Nepal ay afaafka hore ee wasaaradda caafimaadka ka sameeyeen dibadbax ay dowladda uga dalbanayan inay soo badbaadiso muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Shiinaha.
Gudaha wadanka Nepal ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay hal kiis oo la xiriira caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here