Netanyahu oo caalamka ugu baaqay in loo midoobo Iiraan

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dunida ugu baaqay inay u midoowdo la dagaalanka Iiraan.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa kaddib markii dhawaan ay cirka isku sii shareertay xasaradda ka dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.
Netanyahu waxa uu wacad ku maray in aanay jiri doonin xasuuq kale oo Yuhuudda loo gaysto.
Arrintan ayuu sheegay mar uu ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Qudus oo lagu xusayay 75 sano guuradii ka soo wareegatay xorraynta xeradii dhimashada ee Auschwitz.
Netanyahu waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay ku soo biiraan dedaalka muhiimka ah ee loogaga hortagayo Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here