Netanyahu oo uu muuqdo inuu ku guuleysanayo doorashadii ka dhacday dalka Israel

Rai’isul wasaaraha dalka Israel Benjamin Netenyahu ayaa u muuqda in uu ku guuleysan doono doorashada guud ee shaley ka dhacday dalkaasi Israel, asagoo ila iyo hadda hoggaaminaya codadkii la tiriyay.
Rai’isul wasaaraha ayaa waxaa la tartamaya ninka sida weyn ay u xifaaltamaan ee Benny Gantz.
Natijada horu dhaca ah ayaa muujinaysa in uu ku guuleeystay kuraas dhan 59 taas oo ka dhigan inay ka dhimanyihiin 2 kursi si uu si buuxda ugu guuleeysta doorashada.
Si kastaba, Mr. Netenyahu ayaa shaaca ka qaaday in natiijada ay tahay “ guushii ugu weyneed nolashiisa”.
Doorashadii Isniintii ayaa ahayd tii saddexdaad oo hal sanno gudihiisa ka dhacda dalkaasi Israel kadib markii labada hoggaamiye ay ku guuldareeysteen inay soo dhisaan dawlad.
Mr. Netanyahu oo 70 sanno jir ah, ayaa ah rai’isul wasaaraha ugu waqtiga dheer ee soo mara dalkaasi asagoo xilkan soo qabtay sannadkii 1996-dii ila iyo 1999-kii iyo laga soo bilaaba sannadkii 2009-kii ila iyo iminka.
Doorashada ayaa la qabtay labo toddobaad ka hor intaa aan la maxkamadeyn rai’isul wasaaraha kaas oo loo haysto eedo musuq maasuq oo uu diiday.
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore ayuu xisbiga uu hoggaamiyo Benny Gantz waxaa uu 33 kursi ka helay 120 kursi ee baarlamaanka Israel, halka xisbiga Netanyahu ee Likud uu helay 32 kursi.
Maadama labada xisbi midkodna aanu haysan aqlabiyad uu kusoo dhiso dawladd wadaag ah oo shardigu yahay 61 kursi, ayuu madaxweyne Reuvin Rivlin wuxuu ka codsaday inay dhisaan xukuumad midnimo qaran ah.
Laakin wadahadaladii awood qaybsiga waxaa la isku diiday qofka noqonaya rai’isul wasaare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here