New Zealand oo 14 cisho ku kordhisay mudada xayiraadda

Dowladda dalka New Zealand ayaa muddo labo toddobaad ah ku kordhisay mudada uu sii shaqeynaya amarka lagu xayiray isku socodka dadweynaha.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in xayiraadda la fududeeyo 27-ka bishan balse dib ayaa loo sii dhigay.
Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa sheegtay in wadankaas uu toddobaad kaddib ka bixi doono heerka 4-aad ee feejignaanta .
11-ka bisha shanaad ee sannadkan ayaa la qorsheynayaa in golaha wasiirada ee New Zealand ay go’aan soo saaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here