New Zealand oo aan kiisas cusub laga soo tabin maalinkii labaad

Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in maalinkii labaad oo xiriir ah aynan diiwaangelin kiis cusub oo ah coronavirus.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday ra’iisul wasaare Jacinda Ardern oo guddoomisay shirka golaha wasiirrada.
Dhanka kale guddiga qaran ee caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in shalay hal kiis la xaqiijiyay.
Ma jirto dhimasho cusub oo la xiriirta cudurka covid-19 gudaha dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here