New Zealand oo dib u furaysa dukaamada waaweyn

Dowladda dalka New Zealand ayaa la filayaa inay maalinka khamiista ee toddobaadkan dib u furto dukaamada waaweyn ee laga adeegto, meelaha aflaanta laga daawado ,maqaayadaha iyo goobaha jir dhiska.
Go’aanka goobahan oo muddo xirnaa dib loogu furaya waxaa shaacisay ra’iisul wasaaraha wadanka New Zealand Jacinda Ardern.
Waxay intaa ku dartay in dugsiyada la furi doono isniinta soo socoto halka goobaha lagu caweeyo la furaya 21-ka bishan shanaad.
Tirada shakhsiyaadka ka qeyb galaya isku imaatinnada dadweynaha ayaa lagu soo koobaya 10 qof.
Sido kale waxaa maanta la qafiifiyay qaar ka mid ah xayiraadihii hore loo soo saaray ee lagu xakameynayay faafitaanka caabuqa coronavirus.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa maanta sheegtay in la xaqiijiyay saddex kiis oo cusub oo coronavirus ah.
Ilaa iyo hadda gudaha wadankaas waxaa laga diiwaangeliyay 1,147 kiisas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here