New Zealand oo sheegtay inay maareynayso saameynta dhaqaale ee coronavirus

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa shir jaraaid oo ay qabatay ka sheegtay inay qaadi doonaan tallaabooyin lagu maareynayo saameynta dhaqaale ee laga cabsi qabo inay ka dhalato caabuqa coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha sido kalena ku sii fiday qaar ka mid ah wadamada caalamka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in firuusiga uu saameyn aan laga baaqsan Karin ku yeelanaya wadankeeda.
Hasa ahaate waxay intaas ku dartay inay diyaar u yihiin la tacaalidda culeyska dhaqaale ee uu cudur sidahan ku keeno New Zealand.
Mrs. Jacinda ayaa ku nuuxnuuxsatay in saameynta caabuqa ay tahay mid caalami ah.
Hadalka haweeneydan ayaa ku soo aadaya iyadoo la istaajiyay dhoofinta hilibka, caanaha , alwaaxyada iyo waxyaabo kale oo ay New Zealand u iib geyn jirtay Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here