NHIF oo isbeddelo ku sameysay shuruudaha caymiska caafimaadka

Waaxda qaran ee adeegga caymiska caafimaadka ee NHIF ayaa soo saartay isbeddelo ku aaddan tirada xubnaha qoyska ee ka faaiidaysan karo barnaamijyada ay bixiso.
Waalidka oo horay ay u suurtagali jirtay inuu kaarka NHIF ku daaweeyo ilaa 10 carruur ah ayaa waxaa hadda tiradaas lagu soo koobay 5 keliya.
Dib u eegistan ayaa dhaqangalay bishan koowaad ee sannadka 2020-ka.
Go’aankan ayaa laga soo saaray kulan gaar ah oo xubnaha guddiga waaxda NHIF ay yeesheen 17-kii bishii 12-aad ee sannadkii hore.
Wareegto ka soo baxday xarunta dhexe ee NHIF ee magaaladatani Nairobi ayaa sido kale lagu xusay in qofkii iska diiwaangeliyay caymiska qaran ee dowladda ee aan muddo 12 bilood oo xiriir ah aan bixin lacagaha laga doonayo in diiwaanka laga saaro.
Waxay tani micnaheedu tahay in qofkaas uu lacagaha mar kale dib u bixinayo balse uu adeegga caymiska ka faaiidaysan karo oo keliya kaddib saddex bilood.
Dhammaan maamulayaasha kala duwan ee NHIF u qaabilsan ismaamuulada dalka ayaa lagu amray inay isbeddeladan cusub si buuxda u dhaqangaliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here