Nicolas Maduro oo sheegay inuusan marnaba aqbali doonin mucaradku afgambiyo

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay inuu noqon doono qof naxariis aan lahayn hadii mucaaradku isku dayo inuu afgambiyo dowlada.
Tani ayaa imaaneysa markii ay dowladiisa sheegtay inay ka hor tageen qorsha lagu dili rabay.
Afhayeenka Maduro Jorge Rodriguez ayaa telefishanka dowlada ka sheegay in xubno ay qayb ka yihiin sarakiil boolis ah oo shaqada ka fariistay iyo milatari ay qorsheynayeen inay qarxiyaan dhismooyinka dowalda,gadida diyaradana qabsadaan ,bangiga dhexana boobaan.
Waxa uu sido kalke sheegay in kuwa howlahas qorsheynaye ay doonayeen inay ka saaran masraxa siyaasada hoggamiyaha mucaradka Juan Guaido.
Guaido, ayaa doonaya inuu Awooda ka xayuubiyo Maduro waxaana taageerayo ila  50-Dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here