Nigeria oo khafiifin doonta xayiraadaha saaran magaalooyinka Abuja iyo Lagos

Dawladda Nigeria ayaa bilaabi doonta inay si tartiib ah u dabciso xayiraadaha dhanka dhaqdhaqaaqa ee saaran malaayiin dad oo ku nool caasimadaha Lagos iyo Abuja.
Madaxweyne Muxamaddu Buhari ayaa sheegay in xayiraadaha oo ku ekaa maalinkii Isniinta ay socon doonaan ila iyo 4-ta bisha soo socota .
Madaxweynaha ayaa sido kale soo saaray amaro cusub oo lagu xakameeynayo fayraska korona ee sababo cudurka COVID-19, kuwaas oo kamid ah bandow habeenkii ah iyo in ay khasab tahay in la xirto maskarada.
Mr. Buhari ayaa xusay in tallaabadan la qaaday iyada oo dhaqaalaha dalka uu shaqeyn doona.
Magaalooyinka Abuja, Lagos iyo gobolka u dhaw ee Ogun ayaa qiyaastii waxaa ku nool dad gaaraya 25 milyan kuwaas oo xayiraad dhanka dhaqadhaqaaqa uu saarnaa tan iyo 30-kii bishii Maarso.
Nigeeria oo ah wadanka ugu dadka badan uguna dhaqaalaha weyn qaarada Afrika ayaa waxaa fayraska korona uu soo ritay dad dhan 1,273 waxuna nolashoodu galaftay 40 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here