Nigeria oo muwaadiniinteeda ka soo saaraysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa shaaca ka qaadday inay maanta oo arbaco ah billaabi doonto inay boqolaal ka mid ah shacabkeeda ka soo saarto gudaha wadanka Koonfur Afrika kaddib weeraradii ku saleysnaa ajnabi naceybka ee halkaasi ka dhacay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa sheegtay in 313 ka mid ah muwaadiniinteeda ku nool Koonfur Afrika la qorsheeyay inay maanta soo gaaraan magaalada Lagos saacaddu marka ay tahay 2-da duhurnimo.
Qoraal ay wasaaraddu soo dhigtay barta Twitarka ayaa lagu sheegay in 640 Nigeriyaan ay iska diiwaangeliyeen xarumaha dibloomaasiyadeed ee dalkaasi.
Dadkan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan wadankooda hooyo waxaana la soo qaadaya qeybtii ugu horreeysay.
Wasaaradda Nigeria ayaa intaasi ku dartay in berri oo khamiis ah iyo jimcada in dad dheeraad ah halkaasi laga soo daadgureyn doono.
Rabashadihii ka dhacay magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria ayaa lagu weeraray xarumo ganacsi oo ay lahayeen dad ka soo jeedo wadamada Nigeria, Ethiopia, Zambia iyo sido kale Kenya.
Madaxweynaha Nigeria , Muxamaddu Buhari ayaa la filayaa inuu bisha Oktoobar ee sannadkan safar ku tago Koonfur Afrika si dhigiisa Cyril Ramaphosa ay uga wada hadlaan caqabadaha haysta shacabka labada dal iyo sida lagu wanaajin karo xariirka ka dhexeya ee u muuqdo mid uu dhaawac soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here