Nigeria oo soo tabisay tiradii ugu badneyd ee maalin laha ee fayraska korona

Nigeria ayaa diiwaan gelisay tiradii ugu badnayd ee maalin laha ee cudurka covid-19 maalin un kadib markii wadankan ugu dhaqaalaha weyn Africa uu khfiifiyay xayiraadaha.
Maalinkii Isninta waxaa dalkan laga diiwaan geliyay 245 kiis waxana 73 kamid ah kiisaskan laga helay caasimada Lagos.
Tirada guud ee dadka uu halelay fayraska dalkaasi ayaa ah 2,802 iyo dhimashada 93 qof.
Arrintan ayaa timid saacado un kadib markii dowladda ay khafiifisay xayiraadihii saarnaa magaalooyinka Lagos, Abuja iyo gobolka Ogun.
Balse waxaa wadankaasi dhamaan ka jira bandow habeenkii ah iyo in ay khasab tahay in afka lagu xidho maaskarada iyo mamnuucidda safaradda aan micnaha lahayn.
Dadka ku dhaqan caasimadaha ayaa la sheegay inay jabiyeen amaradii ahaa in lakala fogaado ilaa iyo 2 miitar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here