Nigeria oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus

Dowladda Nigeria ayaa maanta oo Jimco ah xaqiijisay in halkaas lagu arkay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha kuna sii fiday qaar ka mi ah wadamada caalamka.
Wasiirka caafimaadka ee wadanka Nigeria Osagie Ehanire ayaa arrinkan ku xaqiijiyay qoraal uu soo dhigay barta twitarka.
Qofka lagu arkay caabuqa ayaa ah bukaan dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Talyaaniga, wuxuu ka shaqeynayay dalka Nigeria, hasa ahaate 25-tii bishan ayuu dib uga soo laabtay Talyaaniga.
Ninka lagu arkay Corona ayay howlwadeenada caafimaadka ee dalka Nigeria sheegayaan in hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Lagos isla markaana xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.
Dowladda dalkaas ayaa dhanka kale sheegtay inay si buuxdo ugu diyaar garoowday si looga hortago cudurka, waxaana kamid ah xarunta xaaladaha degdeg ah.
Waxay mas’uuliyiinta bilaabeen inay baaraan rakaabka ka imaanayo dalalka uu saameeyay Corona.
Caabuqa Corona ee bishii 12-aad ee sannadkii hore ka soo billowday gobolka Hubei ee Shiinaha ayaa waxaa u dhintay in ka badan 2,800 qof halka uu sameeyay ugu yaraan 78,000 .
In ka badan 80,000 qof ayaa u geeriyootay Coronavirus waxaa uu ku faafay ilaa 40 dal.
Wadamada kale ee Qqaaradda Afrika ee ilaa iyo hadda cudur sidaha lagu arkay ayaa ah Algeria iyo Masar.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay in nidaamyada caafimaadka ee qaaradda Afrika aynan ahayn kuwo qalab ahaan sida habboon uga falcelin karo Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here