Nin 30 sannadood ceel qodayay

Laungi Bhuiyan, oo ah hawlgab ka soo jeeda gobolka Bihar ee Hindiya, ayaa loo yaqaanaa “Canal Man” oo micnihiisu yahay ninka ceelka ka dib markii la ogaaday inuu 30 sano oo noloshiisa ah ku qoday kanaal biyo ah oo dhererkiisu yahay 3-kilomitir isaga oo sidaasi sameynayay kaligiisa, isagoo adeegsanaya aaladaha gacanta.
Tuulada fog ee Kothilawa, oo ku taal aagga Lahthua ee degmada Gaya, ayaa had iyo jeer la il darnaa biyo la’aan, iyadoo inta badan biyaha roobka ay ku daataan buuraha ku dhow dhow iyagoo u sii qulqula webiga.
Tani waxay ka mid ahayd sababaha ay dadka deegaanka qaarkood u go’aansadeen inay ka guuraan oo ay dib u bilaabaan mid cusub, laakiin hal nin ayaa go’aansaday inuu dib u joogo oo uu xaliyo dhibaatada halkii uu ka carari lahaa.
30 sano ka hor, ninkan oo loo yaqaano Laungi Bhuiyan wuxuu go’aansaday inuu arrimahan gacmihiisa ku xalliyo oo uu qodo kanaal biyo looga keeno buuraha lana geeyo ceel u dhow tuuladiisa.
Cidna uma fidin inay caawiso, sidaa darteed muddo 30 sano ah wuxuu qoday kanaalka 4- fiit ballaaran isla markaana 3-fiit hoos u qodhan, isagoo isticmaalaya oo keliya qalabka gacanta ee caadhiga ah.
Waxay ku taal meel 80 km u jirta xarunta degmada Gaya, Kothilawa waxaa ku hareereysan keymo iyo buuro cufan.
Xilli roobaadka, biyaha ka soo dhaca buuraha waxay toos u aadi jireen webi dhex mara aagga, laakiin tan iyo markii uu Laungi Bhuiyan dhammaystiray kanaalkiisa oo 3-km dherer ah, biyaha ayaa ku istaaga taas oo u oggolaanaysa dadka deegaanka inay ka waraabsadaan xoolaha iyo beeraha iyaga oo aan ka welwelin biyo la’aan.
Ninkan ayaa hadda si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada waxaana loogu naaneesay ninka ceelasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here