Nin 32 sanno jir ah oo u eg wiil yar oo jira 14 sanno

Sida ku cad shahaadada dhalashadiisa, Denis Vashurin wuxuu dhashay 1987, laakiin markaad fiiriso waxaad ku dhaaraneysaa inuu wali ku jiro da ‘yartiisii hore.
Denis wuxuu noqday mid ka mid ah mowduucyada ugu kulul ee baraha bulshada ee Ruushka ka dib markii uu wareysi la yeeshay shakhsi caan ka ah YouTube –ka.
Dadka ayaa aad ula yaaba muuqaalkiisa cajiibka ah ee yar asaga oo ku jira da’ada 32 sanno.
Denis laftiisuna wuxuu qirayaa in markasta oo uu da ’diisa u sheego dadka aysan aaminin oo ay diidaan.
Taasi waa sababta uu u jecel yahay inuu ku noolaado tuulo yar oo ku taal gobolka Krasnoyarsk ee Ruushka, halkii uu u guuri lahaa magaalada.
Qof kastaa wuu ku garanayaa halkaas, wuxuuna helayaa inuu keligiis waqti ku qaato waxa uu jecel yahay – sida ugaarsiga, kalluumeysiga iyo inuu waqti la qaato saaxiibtiis.
Wareysigiisa ayuu Denis Vashurin shaaca ka qaaday in waalidintiisa ay ogaadeen inuusan la mid aheyn caruurta kale isagoo aad u yar.
Isagu had iyo jeer wuxuu ahaa kan ugu yar kooxda da ’ahaan, laakiin taasi runti dhib umasan arag bilowgii.
Wuxuu ahaa ilmo aad u firfircoon – wuxuu sameyn karay dhammaan waxyaabaha ay carruurta kale sameyn jireen, waligiisna ma uusan la kulmin xoogsheegasho.
Markii uu sii korayay, farqiga u dhexeeya isaga iyo carruurta kale ee da’diisa ah ayaa sii caddaatay, markii uu yaraa, wuxuu umuuqday inuu iska dhaafay koritanka.
Sawirkiisa qalin-jabinta dugsiga sare, tusaale ahaan, wuxuu muujinayaa isaga oo u eg ilmo yar marka loo barbar dhigo dhalin yarta ay isku fasalka ahaayeen.
In kasta oo uu ku guulaystay inuu ku noolaado nolol caadi ah, iyo muuqaalkiisa aan caadiga ahayn, haddana Vashurin wuxuu qirtay inuu mararka qaarkood sharraxaad ka bixiyo oo caddeeyo da’diisa dhabta ah.
Wuxuu xasuustaa in mararka qaar ay booliska taraafikada qabteen isaga oo kaxeynaya baabuurkiisa oo ay ku tilmaameen inuu yahay caruur aan gaarin baabur wadid.
Denis wuxuu sheegay in xitaa kuwa yaqaanay mararka qaarkood ay weydiiyaan inuu dareemayo inuu yaryahay sida uu u eg yahay, laakiin wuxuu leeyahay inkasta oo uu muuqaal dhalinyaro yahay, hadana jirkiisu wuxuu la mid yahay dadka kale ee ay isku da’da yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here