Nin aan arki Karin inta u dhaxaysa xarfaha 2-9

Saynisyahano ka tirsan jaamacadda Johns Hopkins ayaa dhowaan soo tabiyay kiis la yaab leh kaas oo ah nin qabo xanuun dhanka maskaxda oo aan awoodi Karin inuu kala saaro tirooyinka aasaasiga ah ee inta u dhaxaysa 2 ilaa 9.
Kadib markay daraasad ku sameeyeen cilmiga loo yaqaan corticobasal syndrome oo socday muddo sideed sano, cilmi baarayaashu waxay daabaceen daraasad ay ku andacoonayaan in jawaabta maskaxda ee la xiriira aragtida sawir ama eray ay ahayn in qofkaasi uu ka war qabo.
Ninkan ayaa kaliya aan kala saari Karin tirooyinka u dhaxeeya 2-9 balse aan sido kale awoodin inuu kala bixiyo sawirada ama qoraaladda kuwan la midka ah.
Bukaanka, oo magaciisa loo soo gaabiyay oo kaliya RFS, ayaa awood u yeeshay inuu fahmo xarfaha 1 iyo 0.
Mar la weydiiyay inuu sheego xarafka 8 oo meesha loo dhigay ayaa waxaa uu ku jawaabay inuu arkayo suuga suqaar.
Hal tijaabo, kooxdu waxay isku dayeen inay dhigaan sawir ama eray gudaha tiro lambarro ah, RFS ayaa awoodi waayay inuu aqoonsado balse waxaa uu si buuxda u awooday inuu arko marka sawiradda meesha laga saarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here