Nin ay maxkamaddu siidaysay oo la la’yahay

Warbaahinta gudaha dalka ayaa ku warramaysa in weli la la’yahay Liibaan Cabdullahi Cumar oo ay dhawaan maxkamadda siidaysay kaddib markii lagu waayay wax dambi ah.
Wuxuu ka mid ahaa eedeysanayaal loo haystay inay ka dambeyeen weerarkii 2013-kii lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa sheegtay inaysan jirin caddeymo muujinaya in Liibaan uu falkaas ku lug lahaa.
Ilaa iyo hadda ma cadda haybta cidda afduubatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here