Nin dacwad ka gudbiyay madaxa cadaalada ee dalka

Madaxa cadaalada ee dalka David Maraga ayaa wajahayaa dacwad ku aadan dib u dahaca ku yimid dhageysiga bixinta lacagaha kirada oo aan la bixin 6-dii sano ee ugu dambeesay iyadoona la isku haysta kirada goobta ee garsoorayaasha dhigtaan gawaarida ee Elgon Palace
Federick obilo ayaa Dacwad ka gudbiyay guddiga adeega iyo garsoorka asagoona doonayo in madaxa cadaalada ee dalka david maraga in xafiiska laga saaro
Mr Obilo ayaa sheegay in muranka kirada uu maxkamada ka taagnaay tan iyo sanadii 2016-kii iyadona la isku haystay muranka dhismaha ganacsiga ee loo yaqaano Elgon Place oo markii hore ay kireysatay Garsoorka oona lagu eedeeyay in aynan bixin bixinta lacagta kirada iyo goobta gawaari dhigashada oo gaareysa 146 milyan oo shillinka dalka ah.
Mr Obilo ayaa ku eedeyay madaxa cadaalada David maraga in uu ku guul dareystay in uu soo xusho garsoorayaal dhageysto kiiska laisku haysto si go’aan looga gaaro arrinta dacwada.
Sannadkii 2013-kii, Garsoorku ayaa galay heshiis lix sano ee ah kireynta dhismaha Elgon Place ee ku yaala upper Hill iyadoona lagu heshiiyaay kiro sannadle ah oo ah Sh603.6 milyan oo ay u isticmaali doonto Maxkamadda Rafcaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here