Nin Dil-wadareed ka geystay duleedka Muqdisho oo Gaalkacyo lagu qabtay

Ciidamada booliska dagmada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa maanta Ku guuleystay inay gacanta Ku soo dhigaan eedeeysanekaas oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi oo dilwadareed u geystay 5 Ruux.
Ninkan ayaa falkan ka geeystay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka KM13 todobaadkii la soo dhaafay.
Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug Gaashanle dhaxe Qaasim Shirdoon Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyay soo qabashada eedeeysanaha isagoo xusay in dabagal dheer oo ay ku ogaadeen in xalay abaare 10-kii fiidnimo ama 4 Saac uu soo galay Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aroornimadii saakay ay gacanta Ku soo dhigeen Isagoo dhanka Kalana Sheegay in Sharciga la horgeyn doono Sida ugu deg dega leh.
Gudoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee Ciidanka booliiska gobalka Mudug ay u hayaan bulshada isagoo ugu baaqay Shacabku inay la Shaqeeyaan laamaha amniga si loo helo amni laysku haleyn karo.
Sagaalkii bishaan ayaa deegaanka KM 13 ayaa waxaa uu dil wadareed ugu geystay dad ka kooban shan ruux oo ay ka mid ahaayeen haweeneey oo ay hore u kala tageen nin qabay iyo aabaheed iyo sidoo kale dad kale oo ka tirsan qoyska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here