Nin dilay gabadhiisa oo 15 sano jir ah oo gacanta lagu dhigay

Booliska ismaamulka Kisumu ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu eedeeyey inuu dilay gabadhiisa oo da’deeda lagu sheegay 15 sano.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Maurice Owino Owaga waana 48 sano jir.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu gabadhiisa si xun u garaacay kaddib markii ay guriga ka baxday iyadoona fasax ka qaadan isaga.
Gabadha ayaa u geeriyootay jir dilka uu aabaheed u geystay.
Saraakiisha booliska ayaa qabtay ninkan xilli uu isku dayay in uu aaso meydka gabadhiisa waxaana loo taxaabay saldhigga booliska ee Chemelil.
Taliye ku xigeenka booliska Kisumu Erick Wanyonyi oo dhacdadaan xaqiijiyay ayaa sheegay in eedeysanaha maxkamad la soo taagi doonna islamarkaana lagu soo oogi doonna dacwad ku saabsan dil u geystay.
Mr. Wanyonyi ayaa waalidiinta uga digay in aysan carruurtooda ciqaab daran u gaysan xilii carruurta ay inta badan ku sugan yihiin guryahooda maadaama goobihii waxbarashada ay xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here