Nin faafiyay in Matiang’i uu COVID19 ku dhacay oo damiin lagu siidaayay

Waxaa damiin lacageed oo dhan 50,000 oo shilin lagu siidaayay eedeysane loo haystay inuu barta facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay in cudurka COVID19 uu haleelay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i .
Ninkan ayaa ka mid ah shakhsiyaadka baraha bulshada u isticmaalo inay soo dhigaan warbixino kala duwan.
Maxkamadda ayaa qoraalka uu soo daabacay ku tilmaantay mid been abuur oo la doonayay in shacabka lagu marin habaabiyo.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Isaac Kibet ayaa damiin lagu daayay kaddib markii uu iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay xilli uu ka soo hormuuqday maxkamadda Milimani ee Nairobi.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa sheegay in Issac Kibet uu intuu u dhexeysay 23-kii ilaa 24-kii bishan isagoo og qoray war aan sax ahayn waxaana dacwadda uu wajahaya dib loo dhagaysan doonaa 12-ka bisha sideedaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here