Nin furay haweenay labo maalin ka dib arooskooda markii uu ogaaday in xaaskiisa ay ahayn qof dumar ah

Warbaahinta Indooniisiya ayaa goor dhow soo tabisay arrin la yaab leh oo ah nin 31 jir ah oo guursaday haweeney uu kula kulmay baraha bulshada balse uu ogaaday inuu yahay nin rag ah labo maalmood arooska ka dib.
Ninkan, oo loo aqoonsaday inuu yahay Muh, balse an ahayn magaciisa rasmiga ah si loo ilaaliyo shakhsiyadiisa ayaa bil ka hor ka bartay barta Facebook xaaskiisa Mita.
Kadib markii ay isbarteen ayaa waxaa ay bilaabeen xidhiidh jacayl oo ay si caadhi ah u kulmaan.
31 jir kan ayaa sheegay in markii ay kulmeen uusan ka dareemin wax isbedel oo ah dhanka jiinsiyadda, basle ay u muuqatay gabadh aad u qurux badan oo uu ku sii siyaaday jacaylkiii uu u hayay.
Wuxuu soo jeedayay habeenkii oo dhan si uu iyada oga fekiro, toddobaadyo kadib shukaansigooda, wuxuu u yeedhay Mita si uu uga codsado inay guur yagleelaan.
“Mita, waan kuu xiisay! Aynu hadda aqal galno, ”ayuu Muh ku yiri gacalisadiisa oo iyana aqbashay. Bishii la soo dhaafay, Muh wuxuu reerkiisa u sheegay qorshihiisa ah inuu guursanayo, isaga iyo waalidkiisna waxay booqdeen guriga Mita si ay u geeyaan gabaatiga oo ahaa 1,430 doolar.
Subaxdii Juun 2-deedii, Muh iyo Mita waxay yimaadeen Xafiiska Arrimaha Diinta ee Degmada Kediri, Bartamaha Java ee Indonesia, si laisugu meheriyo .
Inkasta oo 25-jirku wejigeedu aan laga shakin hadana maalintii arooska oo dhan waa uu daboolnaa cidna kama aysan shakin.
Arooskooda ayaa waxaa ka soo qeyb galay hoggaamiyeyaal diimeed oo ka kala yimid daafaha gobolka, kuwaas oo midkoodna uusan ka qabin wax shaki ah oo ku saabsan jinsiga gabadha.
Waxaa isbedalay jawiga lamaanaha isqaba ka dib markii Muh uu isku dayay inuu guurkooda ku dhammeeyo habeenkii arooskooda, laakiin waxaa diiday xaaskiisa da’ yarta ah. Wax badan kama fekirin, isagoo fiirinayo inay had iyo goor uu jiro habeen dambe, laakiin isla habeenkii labaad xaalka sidii ayuu ahaa markaas ayuu bilaabay inuu ka shakiyo inay wax khaldan yihiin.
Habeenkii saddexaad oo uu sameeyay baaritaan qoto dheer ayuu ogaaday in xaaskiisu ay tahay nin.
Ma cadda sida Mita ay ku ogaatay in ninkeeda uu fahmay jinsigeeda dhabta ah, laakiin markii Muh uu guriga kusoo laabtay ayuu waayay xaaskiisa. Muh wuxuu arrinta u sheegay qoyskiisa oo isla markiiba furay “xaaskiisa”.
Arrinta ayaa waxaa loo sheegay booliska si loo soo xiro Mita.
Bilayska ayaa durbadiiba helay oo xirey 25 jirka, kaasoo noqday nin lagu magacaabo Adi. Ma cadda in uu wajihi doono eedeymo, ama ciqaabta la marsiin doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here