Nin gabadh 7 sano jir ah ku faraxumeeyay Isiolo oo xabsi daa’in la xiray

Maxkamad ku taalla ismaamulka Isiolo ayaa soo saartay amar ah in Xussen Kara Roba uu inta noloshiisa ka dhiman xabsi ku dhameytsto kaddib markii lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay gabadh da’adeedu tahay 7 sano.
Falkaasi ayaa laga soo tabiyay xaafadda Manyatta Taqwa ee deegaanka Merti .
Waxaa uu eedeysanaha maanta ka soo hormuuqday garsoore Samuel Mungai oo caddeeyay in Xussen uu gaystay arrin liddi ku ah dastuurka dalka.
Gabadhan oo dhigato fasalka labaad ee dugsiga hooe dhexe ayaa 13-kii bishii toddobaad ee sannadkan xadgudubkaasi lagula kacay.
Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii maxkamadda Isiolo ay xukunkan oo kale ku ridday David Murerwa oo isna gabadh yar ku faraxumeeyay Nanyuki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here