Nin gabadh ku faraxumeeyay Busia oo xabsi daa’in lagu xukumay

Maxkamad ku taalla ismaamulka Busia ayaa eedeysane ka soo hormuuqday ku xukuntay xabsi daa’in kaddib markii lagu caddeeyay inuu faraxumeeyay gabadh afar sano jir ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Habert Ateri Masika ayay da’diisu tahay 52 sano jir.
Waxaa la hor keenay garsoore Samson Temu oo ku caddeeyay in bishii koobaad ee sannadkii hore uu gabadhaasi xadgudub ugu gaystay magaalada Malaba isagoo falkaasi kaddib uga dhex tagay meel duur ah
Maxkamadda ayaa dembigaasi ku tilmaantay mid aad looga xumaado oo bani’aadanimada ka baxsan.
Mr Temu , ayaa sheegay in caddeeymaha ka dhanka ah eedeysanaha ee loo soo gudbiyay ay yihiin kuwo wax ku ool oo aan muran la gelin Karin.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in dambiilaha uu gabadha uga digay inay sheegto dhibka uu kula kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here