Nin ganacsade ah oo dad u shaqaaleysiiyay inay dilaan

Nin ganacsade ah oo ku nool Delhi, India oo doonayay inuu naftiisa khaarijiyo , laakiin aad uga baqay in uu sameeyo ayaa shaqaaleysiiyay afar nin si ay u dilaan si qoyskiisu ay u helaan caymis aad u badan.
40-sano jirkan lagu magacaabo Gaurav Bansal ayaa reerkiisa ku taageeray ka shaqeynta dukaan raashin lagu iibiyo ,balse maadama uu cudurka ‘Covid-19’ saameeyay wuxuu ku jiray culeys dhaqaale oo weyn.
Xaaladda liidataa ee ganacsigiisa ayaa sababtay saameyn maskaxeed waxaana la soo daristay murug aad u qoto dheer.
Isaga oo aan rajo ka qabin dhamaadka musiibadan, Bansal ayaa qaatay amaah shakhsi ahaaneed oo dhan $ 7,900 doolar wuxuuna qorsheeyay in isaga qudhiisa uu si dilo.
Markii hore wuxuu damacsanaa inuu noloshiisa soo afjaro, laakiin ma uusan helin geesinimada uu ku sameeyo, sidaa darteed wuxuu la xiriiray afar qof oo kale si ay u sameeyaan, isla markaana uu lacag u siiyo.
Bishii Juun 10-dii, Booliisku ayaa helay maydka Gaurav oo ka laalaaday geed ku yaal agagaarka Najafgarh ee dibadda Delhi. Markiiba waxa meesha laga saaray inuu is dilay maadaama gacmihiisu ay xirnaayeen isla markaana baaritaan la bilaabay.
Waxaa la helay mid ka mid ah dadkii dilay wuxuuna uu soo bandhigay saddexdii qof ee la fuliyay dilka.
Intii lagu guda jiray wareysiga, eedeysanaha ayaa qirtay dilka, isaga oo ku andacoonaya in Gaurav uu ka dhaadhiciyey inay iyaga u sameynayaan wax u wanaagsan, maadaama ay qoyskiisu helayaan xoogaa lacago caymis ah oo aad loogu baahan yahay.
Waxaa uu shegay inay doonayeen inay toogtaan basle ay isku af garan waayeen beeca qoriga ka dibna ay daldaleen wuxuuna siiyay 1200 oo doolar.
Maalintii la dilay, Gaurav wuxuu u safray beerta Mohan si uu ula kulmo dilaayaashiisa uu nah doorto meesha lagu khaarijinayo. Markii la gaadhay waqtigii la dili lahaa , wuxuu waydiistay afarta dilaa inay gacmihiisa xidhaan, aqoonsigiisana ay jeebka u geliyaan si si fudud loogu aqoonsado ugu dambayntiina taleefankiisii ayuu u weeciyay lambarka walaalkiisa.
Baadhitaanka ayaa wali socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here