Nin iska dhigayay Jeneraal ka tirsan militariga Suudaan oo la xiray

Ninkan oo lagu magacaabo Carafaat Ikimu oo ku magac dheer Rashiid Koweh Bin Cumar da’adiisuna tahay 32 sano, ayaa waxaa xiray dambi baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa sheegay in ninkan laga soo qabtay xaafadda Westland ee Nairobi .
Waxaa uu intaa ku daray in eedeysanaha beeri maxkamad la soo taagi doono.
Mr. Kinoti ayaa xusay in tuhmanaha uu ku jiro xabsiga isagoona lagu soo oogayo eedeymo ah been abuur.
Sida laga soo xigtay saraakiisha booliska ninkan ayaa la sheegay inuu bartilmaameedsan jiray dumarka darajada sare leh ee dalka gudihiisa ku sugan, isagoona ku qalqaalin jiray heshiisyo aan waxba ka jirin ka hor inta uusan ka khiyaanin malaayiin shilin.
Dambiyada loo haysta waxaa ka mid ah in haweeney agaasime ahayd uu ka lunsaday 8 milyan oo shilinka dalka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here