Nin jimicsi u sameynayay sida daanyeerka oo kale 30-kii sanno ee la soo dhaafay

Nin 50 jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa jimicsi sameynayay isaga oo ku wareegaya labada lugood iyo labada gacmood sido kale nah fuulayay geedaha sida daanyeerka oo kale maalin kasta 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Chen Haigang, oo ah nin xiiseeya jimicsiga kana soo jeeda gobolka Shanxi ee dalka Shiinaha, ayaa soo jiitay dareenka dadka markasta oo uu ka dhex muuqdo, taas oo ay ugu wacan tahay sida uu u dhaqmayay 30-kii sanno ee ugu danbeesay.
Chen ayaa sida daanyeerka oo kale ku socdaa gacmaha iyo lugaha isaga oo si sahlan isugu dulmara geedaha dushooda waxuuna ka yaabshay dadka ay isla nool yihiin.
Waxa uu sameynayay muddo 30 sano ah hadda, tan iyo markii uu sheegay inuu jeclaaday qaabka u socdo daanyeerka wuxuuna ku andacoonaya in uu caafimaad ka helayo sidan.
Ninkan ayaa xusay inuu jimicsiga noocan ah bilaabay isaga oo 20 sanno jir ah sido kale nah uu ku daydo qaab kasta oo uu u dhaqmo daanyeerka.
Chen asal ahaan wuxuu bilaabay inuu ku daydo socodka daanyeerka, kadib wuxuu bilaabay inuu fuullo geedaha, wuxuu ka boodaa laamaha, wuxuuna dhowaan bilaabay dhaqdhaqaaqa xayawaanada kale sida yaxaaska.
Wuxuu sheegay in dad badan ay isku dayeen inay sidaasi sameeyaan balse ay ku guuleysan waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here