Nin ku jiray xabsi ku yaalla Nandi oo laga helay cudurka COVID19

Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Nandi ayaa heegan sare la geliyay kaddib markii eedeysane lagu hayay saldhigga booliska ee Songhor ee deegaanka Tinderet lagu arkay cudurka COVID-19.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijisay wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaankaas Ruth Koech.
Waxay sheegtay in ninkan uu la macaamilay sagaal qof oo ay hal meel ku wada xiran yihiin.
Tani ayaa abuurtay walaac ku aaddan inay suurtagal tahay in eedeysanayaasha kale ay cudurka qaadeen.
Waxay sheegtay inay guda galeen baaritaano qoto dheer oo lagu sameynaya cid kasta oo saldhiggaas ku sugan ama ka ag dhow wixii soo kordhana saxaafadda lala wadaagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here