Nin ku safraya baskiili oo dadka ka wacyi gelinaya cudurka Covid19.

Fredrick Ochieng’, oo ah 27 sano jir ayaa safar uu adeegsanaya baskiili ka soo billaabay magaalada Moyale ee xuduuda kenya iyo Itoobiya isagoo ku wajahan ismaamulka Busia.
Safarkan oo qadanaayo ku dhawaad 2,000 kiilomitir ayaa ah mid dadka uu kaga wacyi galinayo cudurka Covid-19.
Fredrick ayaa shaley soo gaaray magaalada Isiolo.
Ninkan oo ah aabbe dhalay labo carruur ayaa safarkan billaabay khamiistii hore isagoona rajeynaayo in safarkiisa uu soo gabagabeeyo 29 maalmood gudahood.
Markii uu soo gaaray Isiolo ayuu la hadlay xafiiska guddoomiyaha dhanka amniga u qaabilsan dowladda dhexe ee ismaamulka Isiolo ka hor inta uusan la hadlin wariyaasha.
Mr .Ochien’g ayaa qorsheynaya inuu isku mara 14 ismaamul si uu diiradda u saaro muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo amarrada ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dalka iyo hay’adda caafimaadka adduunka WHO ee ka dhanka ah cudurkan safmarka ah.
Ismaamullada u qorsheysan inuu maro ayaa kala ah Marsabit, Samburu, Isiolo, Meru, Laikipia, Nyeri, Murang’a, Kiambu, Nairobi, Nakuru, Kericho, Kisumu, Siaya iyo Busia.
Ochieng’ oo asal ahaan ka soo jeedo ismaamulka Siaya ee gobolka Nyanza ayaa ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Marsabit.
Waxaa uu sidoo kale doonayaa inuu olole ka sameeyo labo dhibaatooyin kale oo kala ah sida mukhadaraadka iyo uurka gabdhaha yaryar ee maalmahan dambe soo badanaya sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.
Markii uu soo gaaray Isiolo ayuu shacabka ugu baaqay inay ku dadalaan kala foggaanta sidoo kalena ay si wanagsan u dhaqdaan gacmaha iyagoo isticmaalaya biyo iyo sabuun.
Waxaa uu Fredrick xusay inay tahay wax laga xumaado in dadka qaar ay maaskarada sanka iyo afka u xirtaan kaliya cabsi ay ka qabaan booliska balse aysan u xiranin in naftooda kaga ilaaliyaan cudurkan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ammaanka ismaamulka Isiolo Herman Shambi ayaa dhankiisa uga digay shacabka inay iska indha tiraan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka oo ah waxa kaliya ee looga hortagi karo cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here