Nin kufsi ku eedeysanaa oo lagu qabtay Galmudug

Taliska booliska magaalada Cadaado ayaa qabtay eedeysane kaas oo lagu magaacabo Axmed Xusen Cabdi oo ku eedeysan kiis kufsi ah oo la sheegay inuu ka geystay magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, isla markaana qaab baxsad ah ku tegay Cadaado.
Axmed Xusen Cabdi ayaa dib loogu celin donaa magaalada Gaalkacyo si kiiskiisa looga furo madaama uu halkaasi ka dhacay kiiska kufsiga ah ee lagu edeynayo.
Labo Xidigle Cali Maxamed Xasan Taliyaha Booliska magaalada Cadaado ayaa Warbahinta u sheegay in xiriir ay wada sameyeen booliska Galmudug ee Gaalkacyo iyo Cadaado isla markaana lagu qabtay eedeysanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here