Nin lagu ganaaxay 200 oo doolar ka dib markii diiqiisa uu yeeray waqti hore

Nin 83 jir ah ayaa lagu xukumay inuu bixiyo 166 euro oo ganaax ah kadib markii uu ku guul darreystay inuu ka hor istaago diiqiisa inuu yeero 4:30 aroornimo, taasoo dadka deriska ah qaarkood ay ka cawdeen.
Angelo Boletti, oo hawlgab ka ah magaalada Talyaaniga ee Castiraga Vidardo, oo ku taal Lombardy, ayaa lagu helay uu ku xad-gudbay sharciyada maxalliga ah, kaasoo dhigaya in xayawaannada guryaha lagu haysto ay masaafo ugu yaraan 10 mitir u jiraan guryaha deriska la ah.
Laakiin dhibaatada dhabta ahi waxay ahayd in xayawaanka ama diiqa oo la yiraahdo Carlino, uu cod weyn ku yeeray 4:30 subaxnimo uuna toosiyay deriska.
Kadib markii ay heleen cabashooyin badan oo ku saabsan habdhaqanka subaxda ee diqa, booliisku waxay bilaabeen inay kormeeraan Carlino, ka dib markii ay xaqiijiyeen arrinka waxay go’aansadeen inay ganaaxaan odayga.
Emma Perfetti, duqa magaalada Castiraga Vidardo, ayaa u sheegay suxufiyiinta in maamulada maxaliga ahi aysan lahayn wado kale oo aan ka ahayn inay talaabo ka qaadaan kiiskan, sababtuna tahay cabashooyinka badan ee deriska.
Diiqa ayaa bilaaba inuu yeero 4.30 arrornimo ila iyo 6-da subaxnimo.
In kasta oo 83 jirku ka cawday in aan loo digin ka hor intaanu la ganaaxin, Duqa magaalada Perfetti wuxuu sheegaya in booliisku ay soo booqdeen horaantii bishii Luulyo ayna u sheegeen in ilaa 10 mitir laga fogeeyo dariska.
Si kastaba ha noqotee, wuxuu ku adkeystay in uu doonayay inuu meesha ka qaado doorada wax ka yar 20 maalmood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here