Nin lagu helay lacag faalis ah oo maxkamadda la soo taagayo

Waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in maxkamadda la soo taagi doono eedeysane lagu soo qabtay ugu yaraan 200 milyan oo ah lacag been abuur ah.
Ninkan ayaa gacanta lagu dhigay xilli uu ku sugnaa xaafadda Kileleshwa ee magaaladatani Nairobi.
DCI ayaa sheegtay in eedeysane Bobby Kariuki lagu helay lacag been abuur ah oo isugu jirta Doolar , Yuuro iyo Pounds.
Booliska ayaa ninkan oo 27 sano jir ah xiray galinkii dambe ee shalay kaddib markii dadweynaha ay ku soo wargeliyeen.
Sido kale isla shalay ayay ahayd markii booliska ay xireen laba qof oo u dhashay wadamada Congo iyo Nigeria kaddib markii lagu helay lacagta dalka oo been abuur ah.
Labada qof ee kale aya a xabsiga ku jiraya muddo afar maalmood ah inta baaritaanada laga soo gabagabeynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here