Nin lagu qabtay abeeso oo uu boorso ku watay

Booliska ismaamulka mombasa ayaa gacanta ku haaya nin sitay abeeso.

Ninka oo lagu magacaabo as Mr Karisa Iha oo kujira da’da 30-ka ayaa shalay subax laga soo qabtay kanaalka likoni isaga oo sita abeeso dhirirkeedu dhanyahay 2.3 mitir kiiladeeduna tahay 10 kiilo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Duurjoogta ee (KWS) ayaa warbaahinta u sheegay in tuhmanaha uu abeesada ku siday boorsad madow.
Eedeysanaha ayaa haatan ku jira saldhiga booliska likoni isgaoona maanta maxkamad la soo taagi doona.
Ninkaan ayaa lagu soo oogi doona dacwada kan dhan ah in u si sharci daro uu haystay xayawaan duur joog ah isagoona rukhsad haysan.
Dembiga lagu haysta ninkaan ayaa ka soo horjeeda sharciga ilaalinta iyo maareynta xayaawanada duurjoogta ee la dhaqan geliyay sannadkii 2013-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here