Nin loo haysto inuu dad ku tooriyeyay Birmingham oo la xiray

Ciidamada booliska ee Britain ayaa saaka gacanta ku dhigay eedeysane lala xiriirinayo dhacdooyin dad dhowr ah lagu tooriyeyay oo ka dhacay magaalada Birmingham.
Weeraradaas oo dhacay aroornimadii hore ee shalay ayaa lagu dilay hal qof.
Waxay dhanka kale dhaawacyo soo gaareen 7 qof oo dheeraad ah.
Booliska ayaa sheegaya inay abaare 4-tii aroornimo eedeysanaha oo 27 sano jir ah lagu qabtay aagga Selly Oak ee magaaladaas.
Saraakiisha dambi baarista ayaa warbaahinta u sheegay in weerarada oo loo fuliyay si aan kala sooc lahayn oo aan ila iyo hadda lala xiriirin burcadnimo ama argagixisanimo ay ka dhaceen ilaa afar goobood in ka badan 2 saacadood gudahood.
Taliyaha booliska ee Birmingham Steve Graham ayaa sheegay inay baaritaanada sii wadayaan.
Waxaa uu intaa ku daray inay jiraan goobjoogayaal aan weli boolisku u warramin.
Ninka u dhintay mindida la geliyay ayay da’diisu ahayd 23 sano halka labo ka mid ah toddobadii qof ee dhaawacantay ay xaaladoodu liidato.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here