Nin loo xir inuu 1000 haween ah ku duftay taayar si ay isku bartaan

Nin 32 jir ah oo ka soo jeeda Aichi Prefecture, Japan, ayaa dhawaan la xiray ka dib markii sida la sheegay uu ku dhuftay taayirrada haweeney si uu u raaco oo uu u siiyo kaalmo oo uu u barto.
11-kii Juun, haweeney aan magaceeda la sheegin oo 43-jir ah ayaa ka soo baxday supermarket, waxayna gashay baaburkeeda ka dib nah ay ka xaysay.
Wax yar ka dib waxaa ay ogaatay in cagaha baaburkeeda uu mid yahay dhacif isla markaana loo baahan yahay in la bedalo ka hor inta aysan kaxayn baabuurkeed.
Markaasi ka dib ayaa waxaa caawiyay nin wadada marayay. Maaha maalin kasta inaad la kulanto arrin noocan oo kale ah, dhibaatada kaliya waxay ahayd in haweeneydu ay si dhakhso ah u ogaatay in mid la mid ah ay ku dhacday sannad ka hor.
Haweeneyda ayaa u tagtay booliska si ay u ogaysiiso in arrintan oo kale ay ku dhacday sannad ka hor.
Booliska ayaa gaaray goobtii dukaanka ama supermarket-ka si ay dib ugu fiiriyaan kamerada qarsoon waxayna ogaadeen in ninkii caawinayay iyada uu neefta ka bixiyay cagta baabuurkeeda daqiiqado un inta ay ka soo bixin halkii ay ka adeeganaysay.
Dembiilaha ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Yoshito Harada oo 32 jir ah, wuxuuna isla markiiba qirtay dambiga, isagoo u sheegay booliska inuu marmarsiiyo uga dhiganayay si uu u barto haweeneyda.
Taasi waa hab cajiib ah oo aad kula kulmi karto qof aad jeceshahay, laakiin waxa ugu dhibka badan ee ku saabsan sheekadan ayaa ah in tani aysan ahayn wax hal mar ah u sameeyay Harada balse uu ku kacay dhowr jeer waqtiyadii la soo dhaafay.
Markii dhacdadan ay dhacday bishii la soo dhaafay ayaa waxay noqotay war qaran, dad aad u tiro badan ayaa kahadlay oo sheegay inay qabsatay arrintan oo kale ilaa dabayaaqadii sanadkii 2013 kaas oo lala xiriiriyay nin sidoo kale lagu magacaabi jiray Harada, kaasoo 25 jir ahaa xiligaas, wuxuu kasoo jeeday isla magaalada oo uu taayarada ka bixinayya haweenka.
Qareenkii u doodayay ayaa xusay in ninkan uu 1000 haween ah ka saaray taayaradi baaburtoda.
Waxaa uu ka badbaaday xabsiga marar badan wuxuuna lacago siiyay oo kaliya dad aad u tiro yar oo ka mid ah 1000-kii haween ee uu isku dayay inuu marmarsiiyo ku barto.
Balse nasib darrada ayaa ahayd in ninkan uu ku guuleysan waayay inay isbartaan xitaa hal ka mid ah 1000-kii haween ee uu dhibayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here