Nin loo xiray dambi uu ka galay qof dhintay

Booliska Ismaamulka Nakuru ayaa maanta qabtay nin da’addisu tahay 27 sano jir ka dib markii la arkay isaga oo baaraya qabrigii aabihii ku’aasnaay kaas oo la aasay sanadkii 2005 -kii.
Arrintaan aya ka dhacday tuulada maseno ee hoos tagta deeganka Subukia.
Taliyaha booliska ee ismaamuljka Nakuru Stephen Matu ayaa sheegay ninkaan oo lagu magacaabo Patrick Mwangi Katonya uu doonayey in u qabriga karadiyo kabo maqaar kasameysan oo xiligaas lala aasay aabihiis.
Saraakiisha booliiska iyo dadka deegaanka ayaa arkay ninkaan oo qodaya qabriga.
Mr Matu ayaa sheegay in eedeysanaha uu doonayay in uu iibiyo kabaha maadama ay niyadiisu ku jirtay inuu lacag fiican ku heli laha.
Dhanka kale eedeysanaha ayaa booliska u sheegay in sidoo kale uu doonayay in meydka aabihiis uu guriga u soo qaado ka hor inta aan la qaban .
Booliska ayaa sheegay in ninkaasi kabihii uu doonayay inuu qabriga kala soo baxo inay ahayeen kuwa dhamaadey.
Booliska ayaa amray in ninkaan baaritaano dhanka maskaxda lagu sameeyo kahor inta aan maxkamad loo soo taagin isagoona lagu oogi doona dambi uu kagalay qof dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here