Nin loo xiray inuu ka been sheegay Coronavirus

Waaxda dambi baarista ee dalka DCI-da ayaa gacanta ku soo dhigtay nin la sheegay in uu faafiyay warar been abuur ah kuwaasoo ku saabsan caabuqa Coronavirus.
Ninkan ayaa magaciisu lagu sheegay Elijah Muthui Kitonyo da’adiisuna tahay 23 sano jir.
Waxda DCI-da ayaa barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay in ay soo qabteen ninkaan.
Eedeysanaha ayaa batrtiisa twitarka ku daabacay qoraal uu dowlada uu ku eedeynayo in kiiskii ugu horeeyay ee dowlada shaacisay ee waxba kama jiraan tahay islamarkaana dadweynaha ay been u shegtay.
Sida laga soo xigtay waxda DCI-da , qofkan ayaa maxkamadda la geynaya si dacwad loogu soo oogo.
Waxaana Kenyaanka looga digay inay sii faafiyaan waxyaabaha aan xaqiiqda ku saleysnayn ee laga sheegaya cudurka.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka Mr. Moses Wetang’ula ayaa dowladda ugu baaqay inay shacabka si lacag la’aan ah ugu qeybiso agabka gacmaha lagu nadiifiyo.
Ilaa iyo hadda gudaha wadanka waxaa lagu arkay saddex kiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here