Nin looga shakiyay ka mid ahaanshaha Al-Shabaab oo Kwale lagu toogtay

Ciidamada booliska gaar ahaan kuwa qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ka howlgalo ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayaa toogasho ku dilay nin lagu tuhmay in uu ka mid yahay xarakada Al-Shabaab.
Aroornimadii hore ee saaka ayay ahayd markii Maxamad Rashid Mwatsumiro looga takhalusay is-rasaaseyn dhacday.
Tallaabada ay saraakiishu ku dileen eedeysanaha ayaa laga soo tabiyay degmada Ng’ombeni ee hoos tagta ismaamulka Kwale.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in toogashada ay dhacday kaddib markii ciidamada ammaanka ay soo weerareen guriga ninkan oo sido kale loo yaqaanay Msanii.
Howlgalkaasi oo ay is-rasaaseynta ka dhalatay ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray askari lagu magacaabo Jeremiah Mula kaas oo loola cararay Isbitaalka Diani si loogu daaweeyo.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Kwale Tom Odero ayaa sheegay in bastoolad laga helay guriga eedeysanaha.
Mr. Odero ayaa xusay in laamaha ammaanka ay in muddo ah ku raad joogeen Maxamad Rashid Mwatsumiro kaddib markii lala xariiriyay dilal dhawaan la gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here