Nin maalqabeen ah oo la la’sanaa oo meydkiisa laga helay Kitusuru Nairobi

Tob Cohen oo u dhashay dalka Holand ama Netheland ayaa shalay galiinkii dambe meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal Kitisuru, ee Nairobi.
Meydka Cohen ayaa la helay isaga oo lagu qariyay barkad ay biyo ku jiraan..
40 maalmood ayaa la sheegay in gurikiisa uu ka maqanyahay ninkaasi maalqabeenka ah.
Waxaana dadka ugu war dambaysay bishii July 19-keedii ee sanadka 2019-ka.
Xaaskiisa oo lagu magacaabo Sarah Wairimu,ayaa lagu tuhunsanyahay inay ka dambaysay dilka ninkeeda.
Waxaana ku socota dacwad la xariirta dil iyadoona sido kale la tuhunsanyahay inay qabto xanuun dhanka maskaxda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here