Nin Meydkiisa laga soo saaray badweynta Hindiya ee Likoni

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa gaari saaka aroornimadii hore ku dhacay badweynta Hindiya ee kanaalka Likoni.
Baabuurka ku dhacay Badda Indian Occian ayaa ahaa nooca saaloonka waxaa uuna ku dhacay abaare 4.20 aroornimadii hore ee saaka.
9-kii ama seddaxdi saac ee subaxnimo saaka ayaa ciidamada ku xeeldheer dabaasha dalka soo saareen meydka nin ka mid ah dadkii saarna gaarika .
Saraakiisha Kenya Ferry Service oo warbixin ka soo saaray dhacdan ayaa sheegay in darwqalka uu xawaare aad u sareeya u waday gaarika taasi oo sababtay inuu biyaha ku dhaco.
Tirada dadka ah ee saarnaa gaarikaas ayaana wali la xaqiinin waxaana la wada baaritaan .
Dhacdan ayaa timid iyadoo 3 bil ka hor ay badweynta Hindiya gaari ay la socdeen kula dhacay hooyo iyo gabadheeda kuwaasi oo usbuucyo ka dib la soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here