Nin qirtay dambi ku saabsan tahriibinta

Nin ay dowladda ingiriiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay 39 meydad ah oo la helay iyagoo ku jira qeybta dambe ee mid ka mid ah baabuurta xamuulka ayaa qirtay dacwado lagu soo oogay oo ku saabsan tahriibinta.
Waxaa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Waqooyiga Ireland.
Dadka bishii hore meydadkooda laga helay meel u dhow magaalada London ayaa u dhashay wadanka Vietnam.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maurice Robinson 25 sano jir ah ayaa lagu soo oogay ilaa 41 kiisas ah.
Ma jirto taariikh rasmi ah oo loo asteeyay xilliga xukun lagu ridayo balse waxaa uu dib maxkamadda ugu soo laabanayaa 13-ka bisha soo socoto ee 12-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here