Nin shegay inuu dhunkasho dadka uga daweeyo COVID-19 oo isla cudurka u geeriyooday

Nin isku sheegay inuu awood u leeyahay inuu si mucjiso ah ku daaweyn karo dadka jirkooda oo dhan, oo uu ka mid yahay cudurka Covid-19, isagoo si fudud u dhunkanaya gacmahooda, ayaa dhawaan u dhintey Covid-19.
Ninka, oo loo yaqaan Aslam oo keliya, ayaa u sheegay taageerayaasha Ratlam, ee gobolka Madhya Pradesh ee India, in “dhunkashada gacanta ” ay tahay caddeyn buuxda oo uu ka bogsiin karo dhammaan xanuunnada.
Nasiib darrose, daawaynta layaabka leh ee Aslam uma muuqan inuu sifiican ugu shaqeynayo naftiisa, maadaama Juun 3 laga helay Covid-19, oo uu u dhintay cudurka maalintii xigtay.
Isla marka warkiisa dhimashadiisa uu ku faafay bulshada dhexdeeda, taageerayaashiisu ayaa bilaabay inay soo baxaan, iyaga oo sheegay in dhuunskashadiisa ay cidna daweyn balse ay sababtay inuu cudurka faafo.
Saraakiisha ayaa markiiba bilaabay inay raadiyaan dadkii uu dhuunkaday oo 20 ka mid ah 40-kii laga baaray laga helay cudurka.
Saraakiisha India ayaa dhowaan ogaaday ugu yaraan 29 kale oo loogu yeero ragga quduuska ah oo bixiya “daaweyn” la mid ah, kuwaas oo qaarkood noqdeen isha uu ku faafo fayraaska..
Sida laga soo xigtay OPIndia, qaar ka mid ah dhakhaatiirtani waxay caado u leeyihiin inay biyo ku dhex tuuraan bukaanada, taas oo kaliya halis u gelineysa cudurka.
Aslam ma ahan “dhakhaatiirta” ugu horeysa ee sheegta inuu leeyahay awooda uu kaga takhalusi karo coronavirus oo saameeyay addunka. Dhowr bilood ka dib, baadari caan ah oo reer Nigeria ah ayaa wacad ku maray inuu u safri doono Shiinaha oo uu baabi’in doono viruska laga baqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here