Nin Shiinays ah oo 100 kilogram ay ku darsameen intii lagu guda jiray waqtiga xayiraadaha koroona

Nin 26 jir ah oo ku nool magaalada Wuhan ayaa loo aqoonsday inuu yahay qofka ugu buuran magaaladaasi ka dib markii ay ku kor dhismeen 100 kilogram shanti bilood ee xayiraadaha lagu jiray.
Ninkan, oo loogu yeerayo Zhou, balse aan ahayn magaciisa rasmiga ah, ayaa jirkiisa caadhi iska ahaa ka hor inta uusan dilaacin coronavirus wuxuuna ka shaqeenayay makhaayad maxalli ah.
Laakiin waxaas oo dhan ayaa is beddelay markii Zhou uu bilaabay waqtigiisa in uu ku qaato guriga. Wuxuu dhawr bilood gudahooda ku gaaray 280 kilograam .
Kiiska naxdinta leh ee Zhou ayaa shaaca ka qaaday usbuucii hore mid ka mid ah dhakhaatiirta ku daaweysay Isbitaalka Central South University,. Waxaa la sheegay inuu dhakhaatiirta u sheegay inuusan gurigiisa ka bixin tan iyo kahor xannibaadda, bishii Janaayo, iyo in culeyskiisii uu u suurta-gelin waayay inuu mar dambe si raaxo leh u seexan waayo, taasoo ah sababta ugu dambeyntii uu u codsaday gargaar caafimaad.
Zhou ayaa dhakhaatiirta u sheegay inuu indhaha is gelin waayay muddo 48 saacadood ah.
Ka dib markii koox ka mid ah dhakhaatiirta ay ka soo kaxeyeen gurigiisa ayaa waxaa la dhigay qaaybta dadka ay xaaladaoodu liidato ee ICU, halkaas oo baaritaanadii laga qaaday laga helay inuu wadnaha istaagay neefsashadana ay dhibaayso.
Dr. Li Zhen oo asagu dabiibayay ninkan ayaa sheegay in buurnida bukaanku ay sabab u tahay asal ahaan dhamaan xanuunada haya isla markaana qaliin lagu sameeynayo si uu u lumiyo ugu yaraan 50 kilogram.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here