Nin si been abuur ah dhakhtarnimo ugu shaqeysanayay oo la xiray 11 sano

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa xabsi 11 sano ah ku xukuntay James Mugo oo loo yaqaano Mugo wa Wairimu oo lagu eedeyay inuu dhowr sano dhakhtar ahaan u shaqeynayay isagoo aan takhasus u lahayn.
Waxaa go’aankan soo saartay garsoore Martha Nanzushi oo sheegtay in Mugo lagu cadeeyay ilaa 6 dembi oo lagu soo oogay.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqday in ay ku qanacsaday cadeymaha ay u soo gudbiyeen saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda.
Mugo ayaa xarun caafimaad oo aan dowladda u sharciyeysnayn ku dhaaweyn jiray haweenka waxaana arrinkan laga warhelay sannadkii 2014-kii kaddib barnaamij uu sameeyay mid ka mid ah telefishinada dalka.
Eedeysanaha ayaa laga doonaya inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 1.4 milyan oo shilin ama uu xabsi ku jiro 11 sano.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here