Nin siday daroogada Cocaine oo gacanta lagu dhigay

Saraakiil ka socotay waxda dambi baarista ee DCI-da iyo saraakiisha qaabilsan qeybta dambiyada abaabulan ayaa gacanta ku dhigay nin siday maandooriyaha loo yaqaano cocaine.
Ninkan oo magaciis lagu sheegay Maxamad Bakaari da’adiisuna tahay 34 sano jir ayaa waxaa laga soo qabtay wadada Utange-Shanzu ee magaalada Mombasa.
Eedeysanaha ayaa la qabtay isagoo wata gaari nooca loo yaqaano Toyota Wish, iyadoona saraakiisha ee ka shakiyeen islamarkaana ay baareen gaarigii u watay isagoona daroogada ku soo dhax qariyay borsad.
Waxaana uu hada ku jira xabsiga isagoona maalinta isniinta lasoo taagi doonaa maxkamad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here