Nin siday foolasha maroodiga oo lagu qabtay Kajiado

Koox isku dhaaf oo isugu saraakiisaha waxda dambi baarista DCI-da iyo saraakiil ka tirsan ciidamada duurjoogta ee (KWS) ayaa lagu soo warramaya inay gacanta ku dhigeen nin da’adiisu tahay 33 oo siday foolasha maroodiga oo cadadeyda lagu qiyaasay 10 milyan oo shilinka dalka ah.
Waxda dambi baarista ee DCI-da ayaa barteeda rasmiga ee tuwitarka ku sheegtay in ninkann oo magaciisu lagu sheegay Denis Maheli Alima uu ka dhex shaqeeya magaalada Nairobi ayaa laga soo qabtay wadada weyn ee marta deegaanka Isinya ee ismaamulka Kajiado isagoo foolasha maroodiga ku watay moota ama dhugdhugley.
Sarkaalka waaxda DCI-da ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada Duurjoogta ee (KWS) ay daba joogeen eedeysanaha islamarkaana ay ugu dambeyntii gacanta ku dhigeen
Baarayaasha ayaa sidoo kale bilaabay raadinta tuhmane kale oo loo waaday foolsha maroodiga
Saraakiisha ammaanka ayaa dhanka kale digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh ugaarsiga duurjoogta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here