Nin u dhashay dalka Congo oo maxkamada ICC-da go’aan ka gaareyso dambiyadiisa dagaal

Maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC ayaa manata xukun ku ridayso Bosco Ntaganda oo ah falaaga u dhashay dalka Congo, Maadama uu maleegay dhimashada dad badan isla markna adeegsaday carrur oo uu ka dhigay milatari.
Ntaganda, oo 45-sano jir ah ayaa lagu eedeynaya inuu dusha kala socday baabi’inta shacabka ay ku haayeen milatarigiisa ku sugan dalka Congo gaar ahaan gobolka Ituri sanadihi 2002-dii iyo 2003-dii.
Dacwad soo oogayasha ayaa soo bandhigay macluumaad laga naxo oo ku saabsan dhibanayaasha oo qaar kood xubnaha jirkooda ku jiray laga soo saray halka qaarna qoorta laga jaray.
Taasi ayaa ka mid ah cadeynaha ay maxkamada ICC-da ka heyso hoggamiyasi kooxda falaagada,Ninkani oo ay maxkamada mudda saddax sano dacwadiisa dhageysaneysay.
Maxkamada ayaa sheegtay in manata ay gaareyso xukun ah inuu dambiyadaasi galay ama yahay qof aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here