Nin u dhashay India oo dahab ka sameystay af xirka cudurka COVID-19

Nin u dhashay India ayaa dareen aad u badan ka helayay baraha bulshada ee Hindiya ka dib markii sawirkiisa isaga oo xiran maaskaro ka sameeysan dahab uu la wadaagay asxaabtiisa baraha bulshada si uu iskaga ilaaliyo coronavirus.
Shankar Kurade oo deggan Pimpri-Chinchwad, oo ku taal duleedka magaalada Pune, wuxuu jeclaa dahabka illaa inta uu xasuusan karo.
Waligiis kama uu san bixin guriga isagoon silsilado dahab ah qoorta saarin, farahana gashan faraanti dahab ah, sidaa darteed markii dadku bilaabeen inay xirtaan maaskaro si ay isga difaacaan cudurka loo yaqaan coronavirus, Shankar wuxuu ogaa inuu ku qasbanaado inuu helo hab uu isagu sidas si ka duwan u sameeyo.
Kadib wuxuu arkay warbixin ku saabsan nin sameystay maaskaro dahab ah wuxuu asaga nah ku fekiray inuu af xir ka sameeysto birta uu aadka u jecelyahay.
Maaskarada caadiga ah ayaa leh miirayaal si looga hortago fayraska cudurka, laakiin maaskarada dahabka ah ee Shankar kaliya ayaa leh sadex duleel yar oo u oggolanaysa inay hawadu marto.
Wuxuu sheeganayaa inuusan dhib ku qabin neefsashada markii uu xiran yahay, laakiin wuxuu sidoo kale qirtay inuusan wax fikrad ah ka qabin in maaskaraku uu kahortagaya cudurka Covid-19.
Ninikan ayaa sido kale xusay in dhamaan qoyskiisa ay jecelyihiin dahabka oo haddii ay u baahdaan in loo sameeyo waji xir ka kooban dahab uu sidaasi sameyn doono.
Shankar Kurade wuxuu sheegay in qiimaha maaskarada uu ka sameeystay dahabka uu yahay 3,900 oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here