Nin u dhashay Shiinaha oo la afduubtay oo la soo badbaadiyay

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay nin dhalasho ahaan ka soo jeedo Shiinaha kaasoo dhawaan la afduubay.
Dadka afduubka gaystay oo tiro ahaan dhan 4 oo midkood uu yahay boolis ayaa la toogtay.
Sarkaalka ayaa la sheegay inuu si dhow ula shaqeyn jiray kooxaha fuliya falal dambiyeedyada.
Burcadda ayaa markii ay afduubayeen ninka hadda la soo badbaadiyay waxay ka dalbadeen 100 milyan oo shilin.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka Mr. George Kinoti, ayaa hoosta ka xarriiqay in howlgal ay ciidamadu sameyeen ,eedeysanayaasha looga takhalusay goob ay ku duumaleysanayeen oo ku taalla xaafadda Jamhuri Estate ee dhanka wadada Ngong Road ee magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here