Nin xaaskiisa dilay oo maanta gacanta lagu dhigay Nakuru

saraakiisha waaxda dambi baarista ee dalka ayaa maanta gacanta ku dhigay nin xaaskiisa ku dilay degmada Njoro ee ismaamulka Nakuru.
John Mwagi Githaiga oo 34 sano jir ah, oo la rumeysan yahay inuu dilay xaaskiisa Mercy Njeri Mbatia oo 23 jir ahayd., ayaa lagu qabtay deegaanka Mathangauta.
Ciidamada dambi baarista ayaa ninka dilay xaaskiisa ku soo qabtay seef la rumaysan yahay inuu u adeegsaday dilka xaaskiisa.
Seefta ayaa la sheegay inuu ku kala jaray kaddibna dab qabadsiiyay madaxa, gacmaha iyo lugaha haweenaydaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here